Home Wararka Caalamka Militriga Israel oo gumaad ka gaystay Marinka Gaza

Militriga Israel oo gumaad ka gaystay Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa xalay duqayn culus ka gaystay Marinka Gaza, ka dib markii ay wa-xoogaa horumar ah ka sameeyeen hawlgalka dhinaca dhulka.

Duqayntan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah duqaymihii ugu darnaa ee Israel ka gaysato Gaza, iyadoona ay dad fara-badan ku dhinteen.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ka badan 200 oo qof oo rayid ah in ay ku dhinteen duqaynta xalay oo dhan ka socotay magaalada.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Israel ayaa lagu sheegay in 450 bartilmaameed ay ka fuliyeen Gaza, isla-markaana ay dileen xubno ka tirsan Xoogaga Ururka Xamaas.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada Israel ay Xamaas kala wareegeen xarumo tababaro iyo qaar ka mid ah godadka ay adeegsadaan.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda si buuxdo u hareereeyeen Marinka Gaza, ayna kala jareen koonfurta iyo waqooyiga magaalada, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in Israel ay ballaarin doonto duqaymaheeda waqooyiga Gaza, illaa iyo inta ay ka takhalusayaan sida uu yiri Xamaas.

Ugu yaraan 9,922 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israel ee Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto, tan iyo 7-dii bishii October.

18 isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Ururada Caalamiga ah ee arrimaha samafalka ka shaqeeya ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan xabad joojin bani’aadantinimo oo degdeg ah.

Hay’adaha ayaa walaac xoog leh ka muujiyay, sida Gaza ay isugu bedeshay doox uu dhiig ku qulqulayo.

Bulshada dunida ayaa la sheegaya inaanay xamili karin waxa ka socda Gaza, kumanaanka carruurta ah ee sida arxandarada ah loo leynayo, daryeel la’aanta bukaanada, gaajada iyo cabsida joogtada ah ee ay wajahayaan dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc