Home Wararka Caalamka Mohammad Mokhber oo bedelay Madaxweynihii geeriyooday ee Iran

Mohammad Mokhber oo bedelay Madaxweynihii geeriyooday ee Iran

by Laacib

Dastuurka Iran ayaa qeexaya in haddii uu geeriyoodo Madaxweynaha in booskiisa uu buuxinayo Madaxweyne Kuxigeenka 1aad, illaa iyo inta laga qabanayo doorasho madaxtinimo, muddo 50 maalmood gudahood.

Mohammad Mokhber ayaa hadda ahaa Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta Mohammad Mokhber u magacaabay Kusimaha Madaxweynaha, wuxuuna noqonaya Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horreyay ee Iran ee si rasmi ah loogu magacaabo Kusimaha Madaxweynaha, ka dib geeridii Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Doorka Madaxweynaha ayaa ah u hoggaansataanta hoggaamiyaha ugu sarreya Iran ee dhinaca diinta, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo haya arrimaha ugu dambeeya ee dalka.

Madaxweyne Raisi ayaa loo arkayay inuu yahay Dhaxal-sugaha amaba ninka bedeli doona Ayatollah.

Madaxweyne Raisi ayaa la soo doortay sanadkii 2021, waxaana loo tixgelinayay siyaasiga ugu weyn muxaafidka ee dalkaasi.

Raisi ayaa muddadii uu xafiiska joogay waxa uu adkeeyay sharciyada anshaxa, wuxuuna si adag u riixayay wada hadalada nuclear-ka Iran iyo quwadaha adduunka.

Raisi ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed, ka gadaal markii Helicopter-kii uu la socday ay ku burburtay dhul buuraley iyo kaymo u dhow Magaalada Julfa, taas oo ku taala xuduudda, iyadoo cimiladuna ay ahayd mid aad u xun.

Wafdiga Raisi ayaa ka soo laabanayay biyo xireen laga hirgeliyay gobolka bari ee Azerbaijan ee dhaca xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Azerbaijan.

Raisi ayaa waxaa shilka kula geeriyooday masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa Dowladda Iran uga tacsiyeynaya geerida ku timid Madaxweynaha iyo masuuliyiintii kale.

Ma cadda in cid kale ay ku lug lahayd burburka diyaaradda, balse Tehran ayaa waddo baaritaano arrimahaasi la xiriira.

Shilka diyaaradeed ee Madaxweynuhu uu ku geeriyooday ayaa noqday qodobka 1aad ee qodobada wararka ee ay Warbaahinta caalamiga ah ka warameyso.

Tani ayaa mar kale indhaha dunida ku soo jeedisay Bariga Dhexe, oo markii horeba ay ka jirtay xiisad adag.

Xiisadda gobolka ayaa xudun u ah duulaanka ay Israel ku hayso Marinka Gaza, oo abuuray carro caalami ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc