Home Wararka Maanta Mooshinka muddo kordhinta Madaxweynaha oo maanta la horgeynayo Xildhibaanada Golaha Shacabka

Mooshinka muddo kordhinta Madaxweynaha oo maanta la horgeynayo Xildhibaanada Golaha Shacabka

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo mooshin wax lagaga bedelayo nidaamka dowladnimada ee haatan dalka ka jira, ka dib heshiiskii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay toddobaadkii hore ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo qura, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira, ee ah Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Heshiiska ayaa waxaa ku cad in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka ka dalbaday inay luqad dastuuri ah u bedelaan heshiishyadii uu goluhu gaaray.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada farriimo ugu diray teleefanadooda gacanta, si ay u soo xaadiraan kulanka Sabtidan, oo ka dhacaya Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay akhrinta koowaad mariyaan mooshinkan wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG, iyadoona ay ka doodi doonaan.

Dad badani ayaa tani u arka tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhanka dimoqraadiyadda, balse waxaa jira siyaasiyiin qaar oo shaki gelinaya, sida Dowladda Federaalka ay dalka oo dhan uga hirgelin karto doorasho qof iyo cod ah, iyaga oo ku doodaya inaysan haysan kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah doorashadan, sida amniga iyo siyaasadda, si ay u qabato doorasho xor iyo xalaal ah, isla-markaana ay daneeyeyaasha siyaasadda ka wada tashadeen.

Puntland oo kale oo aan qayb ka ahayn heshiiskii 27-kii bishii May, waxa uu Madaxweynaheedu sheegay inuusan jirin wax ka khuseeya heshiiskaasi, isla-markaana ay si gaar u dhaqmi doonto, illaa iyo inta laga helayo sida uu yiri wax heshiis lagu yahay.

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa galaangal u leh inay toosin iyo sixidba ku sameeyaan habraacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc