Home Wararka Maanta Mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Siyaasiyiina Isbedel-doonka Koonfur Galbeed ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib markii ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintan oo uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa in magaaladaasi kula kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay Dhuusamareeb u taggeen in ay Madaxweynaha kala hadlaan xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo inay ku bogaadiyaan doorkiisa hoggaamineed ee dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Mucaaradka ayaa doonaya in ugu dambayn bisha January la qabto Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed, haddii ay bisha November ku egtahay waqtiga heshiiskii sanadka dheeriga ahaa ee xafiiska uu ku sii joogayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Siyaasiyiina Mucaaradka ay Madaxweynaha ka doonayaan in la dhaqangeliyo heshiiskan, bacdamaa uu ka mid yahay masuuliyiintii garwadeenka ka ahayd heshiiskaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaase ku doodaya in heshiiskaasi uu ka dambeeyay midkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay 27-kii bishii May ku gaareen Magaalada Muqdisho, ee sheegayay in la mideeyo xilliga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc