Home Wararka Maanta Muqaadaraad qaab cusub lagu soo gelinayay Muqdisho iyo raggii waday oo gacanta lagu dhigay (SAWIRRO)

Muqaadaraad qaab cusub lagu soo gelinayay Muqdisho iyo raggii waday oo gacanta lagu dhigay (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan iyo kuwa Polizia Militare ay xalay gacanta ku soo dhigeen maandooriyaha xashiishka iyo rag uu sheegay inay wadeen.

Taliska Booliska ayaa qoraal ku sheegay in eedeysaneyaasha la horgayn doono sharciga, si caddaaladda loo waafajiyo.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa saqdii dhexe ee xalay kormeeray Saldhigga Degmada Kaaraan, halkaas oo eedeysaneyaasha lagu soo bandhigay.

Eedeysaneyaasha ayaa la sheegay inay xashiishka ku soo qariyeen jawaano dusha sare lagaga soo shubay dhuxul.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeysaneyaasha ay doonayeen in qaab cusub ay maandooriyahaasi ku soo geliyaan magaalada, balse ay ciidamadu ka hortaggeen.

“Kiishashkii ama jawaanadii lagu cabeen jiray dhuxusha, inta afka hore dhuxul looga soo shubay, intii kalena uu xashiish ku jiro, ayagoo mootooyin ku raran oo laga dhigayo dhuxul oo kale ayaa ciidamada ka hawlgala degmada ay gacanta ku soo dhigeen.” Ayuu yiri Yabooh.

Yabooh ayaa yiri “Marka nashqaddan hadda la keenay waa nashqad cusub oo soo siyaaday, si kasta oo loo nashqadeeyo waa laga yaabaa in waxyaabaha qaar ay fakadaan, laakiin sidii ay bartilmaameedka u ahayd ayay taargad u ahaan doontaa.”

Yabooh ayaa ku hanjabay in ay si gaar ah ula dagaalami doonaan dadka sida qarsoodiga ah muqaadaraadka ku soo geliya magaalada, kuwa ka ganacsada iyo weliba kuwa kale ee isticmaala.

Xubnaha lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Kaaraan oo saddex nin gaaraya ayaa midkood uu yahay nin da’ ah. Goobta lagu soo bandhigay ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Saraakiil kale.

Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa bishii April lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, kuwaa oo loogu magac-daray Ciidanka Xasillinta Muqdisho, hawlgalkooduna uu la magac-baxay (Hawlgalka Ciiltire). Hawlgalkan ayaa ah mid lagu la dagaalamayo Al Shabaab, kooxaha burcadda/ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada muqaadaraadka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc