Home Wararka Maanta Muqdisho oo lagu soo bandhigay hub ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen

Muqdisho oo lagu soo bandhigay hub ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hubkan ku soo bandhigay Saldhigga Degmada Dayniile, ka dib hawlgal ay xalay ciidamadu ka sameeyeen xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in hawlgalku uu ka dambeeyay, ka dib hoobiyeyaashii ay saqdii dhexe ee xalay maleeshiyada Al Shabaab ku soo tuureen caasimadda.

Hubkan oo ka kooban 140 xabo oo gumaca hoobiye ah ayuu Afhayeenku sheegay in ay Shabaabku u isticmaali jireen gantaalaha garbaha laga tuuro iyo baaruudda ay ka sameeyeen walxaha qarxa.

“Hawlgalkaas Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabqabtay tiro hoobiyeyaal ah oo aad u jeeddaan inay agteeda yaalliin oo ka kooban 140 xabo, oo loo isticmaalo gantaalaha ay garabka ka tuuraan ee fake ah iyo baaruudda ay ka sameeyaan qaraxyada.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Korneyl Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in hubka laga soo qabtay godad ay maleeshiyada Shabaabku ku qariyeen.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu xalay hawlgalkaasi ka sameeyay goobo badan, isaga oo ka feejigan in qaraxyadaasi ay ummadda Soomaaliyeed waxyeeleeyaan. Godad ay ku qariyeen ayaana laga soo bixiyay.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dabkii aroornimadii hore ee saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha, ka dib markii sida uu sheegay uu dabkaasi ka dhashay qarax ay ku qariyeen goob qashin.

“Waxaana ka dhashay khasaare hantiyadeed, hal qofna waa uu ku geeriyooday.” Ayuu yiri Afhayeenka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid kasta, oo ay u gartaan inay halis ku tahay sida uu yiri nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc