Home Wararka Maanta Nin ku eedeysan dil ka dhacay Nairobi oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Nin ku eedeysan dil ka dhacay Nairobi oo lagu soo bandhigay Muqdisho

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay nin la sheegay inuu dil ka soo gaystay Magaalada Nairobi, qaab baxsad ahna uu dalka ku soo galay.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi, kaas oo loo haysto dilka marxuum Maxamed Xasan.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi, kuna eedeysan in uu dilay marxuum Maxamed Xasan, dilkaas oo ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgayn doono sharciga, si uu caddaaladda u wajaho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in eedeysanaha uu toorey u adeegsaady dilka marxuumka, kaas oo wiil da’yar ahaa.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in eedeysanaha iyo marxuumka ay is qabteen, ka hor intii aanu tooreyda kaga dhufan cunaha.

Ma cadda in eedeysanaha lagu maxkamadeyn doono Magaalada Muqdisho iyo in dib loogu celinayo Magaalada Nairobi, marka laga soo taggo warka booliska ee ku aaddan in sharciga la horgayn doono.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc