Home Wararka Maanta Muqdisho oo maanta uu ka furmayo shirka Dowladda Federaalka iyo madaxdii hore ee dalka

Muqdisho oo maanta uu ka furmayo shirka Dowladda Federaalka iyo madaxdii hore ee dalka

by Laacib

Waxaa lagu wadaa in maanta uu shir Magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka, madax hore iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuri doono shirka oo laba maalmood ka soconaya Caasimadda Muqdisho.

Qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirka uu la xiriiro wadatashi iyo is qancin ay tahay in looga gudbo xaaaladda dalka ka taagan.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadcelinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qaybgalka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib-u-eegista dastuurka, dimoqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa sheegaya in shirka diiradda lagu saari doono heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah.

Waararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxdii hore ee dalka weydiisan doono in ay dowladdiisa ka gacan siiyaan dardargelinta gulufka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Shirkan ayaa lagu soo martiqaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka, sida Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo shan Raysal Wasaareyaal hore, oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka ay ka soo qaybgalaan Gudoomiyeyaal Baarlamaan hore iyo siyaasiyiin kale oo Villa Somalia ay ku soo martiqaaday.

Villa Somalia ayaase heshay cudurdaar kaga yimid Ex Madaxweyne Farmaajo, oo uu ku sheegayay inaanu shirka ka soo qaybgeli karin, isaga oo ku mashquulsan arrimo u gaar ah oo safaro ay ka mid yihiin. Farmaajo ayaase bogaadiyay qabsoomidda shirka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc