Home Dhacdooyin Musharax Madaxweyne Puntland oo ku geeriyooday shil baabuur

Musharax Madaxweyne Puntland oo ku geeriyooday shil baabuur

by Laacib

Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) oo ka mid ah musharaxiinta jegada madaxtinimada ee Puntland ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay waddada xiriirisa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Musharaxa oo horey ugu dhawaaqay musharaxinimadiisa ayaa maalin ka hor si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Musharax Madaxweyne Puntland, Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Afguduud oo ku sii jeeday Magaalada Qardho ayaa waxaa la rogmaday gaarigii uu la socday.

Marxuumka ayaa waxaa shilkan kula geeriyooday hal nin, oo ka mid ahaa dadkii gaariga la saarnaa, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay laba nin oo kale.

Dad fara-badan oo Magaalada Qardho isugu soo baxay, sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen musharaxa iyo xubnihii kale ee la socday ayaa hadda diyaarinaya aaskiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc