Home Wararka Maanta Muuse Biixi “Xasanow Masaari u yeero ama Turkey, heshiiska waa la fulinayaa”

Muuse Biixi “Xasanow Masaari u yeero ama Turkey, heshiiska waa la fulinayaa”

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Dahable ayaa Axaddii meydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoona ay boolisku sheegeen in falkaasi loo soo qabtay lix qof oo lagu tuhunsan yahay inay dileen.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay khilaafka muddooyinkii ugu dambeysay ka soo dhex cusboonaaday iyaga iyo Dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay in uu fuli doono heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay la gaareen Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay dagaal ka gashay heshiiska 20km oo bad ah kaga kireynayaan Dowladda Itoobiya, Somaliland-na ay dhowr iyo soddon sano ka dib ku heleyso aqoonsigii ugu horreyay.

“Xasan waxaan leeyahay laba halba iska daa, horta calaacalka badan iska daa, qofka bani’aadmiga ah calaacalka waa looga fiican yahay. (2) Naftii hafre ha noqonin, waxaana yeeli karin mar walba ha sheegin. Waxaad leedahay Somalilad baddeeda anigaa xukuma ee hala i soo maro, haddaad xukunto miyaad timaadid.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo intaa raaciyay “Go’aankan iyo heshiiska is afgaradka ah waa la fulinayaa, waan kugu celinayaa waa uu fuliyaa.”

Madaxweynaha Somaliland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeynayay dilka Cabdinaasir Dahable ayaa yiri “Xasan, Madaxweyne waxaan ku leeyahay weliba waad dhaaftay hadalkii, maanta dilka aad Xamar ku dishay ninkaa reer Somaliland godobtiisu adee ku fadhidaa. Uma qabno inay ilmo yaryar iyo qaar kale ka timid, uma qabno wiilasha loo xiray. Gardarada waxaa weeye annaa ku dilay, annaa kuu garqaadaya, anaa kuu go’aaminaya.”

Waxa kaloo uu yiri “Waad dabtay oo waad giijisay, si aan bani’aadantinimo ahayn baad u dishay. Kuwii isaga u soo gurmaday ee la shaqeynayay ee la heybta ahaa, kuwiina waad xirtay oo waxaa tiri iyagaa dembiile ah.”

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Xasan waa taariikh kuu qoran, adiga ayay kuu taallaa godobtaa, adiga ayay dushaada saaran tahay, xataa kuwa xiran. Xasanow ra’yigaa aad waddaa iyo qayladaa kaa yeereysa, midna kaa socon meyso. Waxaad ku bishaareysataa waa la fulinayaa saldhiggaa la siiyay Itoobiya, waxna ka qaban meysid, caddaawad iyo ceeb baa kororsaneysaa.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay kulan uu maanta Madaxtooyada kula qaatay dhallinyaro ciyaartoy ah ayaa dhanka kale sheegay inay Hawada Somaliland ka joojinayaan diyaaradaha aan amarkooda haysanin.

“Waxaan kugu darayaa taa cirkana way soconeysaa, waan ka joojinay diyaaradaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa ugu dambayn sheegay, Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u yeerto Masaari amaba uu heshiis la galo Turkiga aanay waxba ka bedeli doonin mowqifka Somaliland.

“Xasanow ama Masaari u yeero ama Turkey heshiis la gal, kabash kabashtaas meel ku gayn meyso.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Dowladda Federaalka ayaa Isniintii Somaliland ku eedeysay inay carqaladeynayaan diyaaradaha maraya hawada, tan iyo 11-kii bishan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc