Home Wararka Caalamka Muwaadin Mareykan ah oo lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto

Muwaadin Mareykan ah oo lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay muwaadin Falastiini ah, balse sidoo kale haystay dhalashada dalka Mareykanka.

Tawfiq Ajaq oo 17 jir ahaa ayay Ciidamada Israel ku toogteen xaafadda Al-Mazra’a Al-Sharqiya ee bariga magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in Tawfiq Ajaq uu u geeriyooday rasaas ay huwiyeen Ciidamada Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay geerida muwaadinkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadaan dadaalo ay ku ogaanayaan sababta ka dambeysay in la dilo muwaadiniinka rayidka ah, iyadoona Israel ka dalbatay inay sharaxaad ka siiso waxa keenay dilkiisa.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in Aqalka Cad uu ka walaacsan yahay dilka loo gaystay muwaadinkaasi.

Tani ayaa imaanaysa, iyadoo Aqalka Cad uu Jimcihii dhalleeceeyay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo si guud uga soo horjeestay dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiintu leeyihiin.

Netanyahu ayaa Khamiistii meesha ka saaray suurtalnimada in Falastiiniyiintu ay ka madaxbannaanaadaan Israel, waxaana uu sheegay in Tel Aviv ay u baahan tahay inay maamusho Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in yegleelidda Dowladda Falastiiniyiinta ay tahay waddada keliya ee lagu xaqiijin karo amniga waara ee Israel iyo dib-u-dhiska Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc