Home Wararka Caalamka Muwaadiniinta Mareykanka oo lagu wargeliyay inaysan u socdaali karin Israel

Muwaadiniinta Mareykanka oo lagu wargeliyay inaysan u socdaali karin Israel

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisay inaanay u safrin Israel, ka dib weerarkii saakay ay Israel ku qaadday dalka Iran.

Safaaradda Mareykanka ee Israel ayaa soo saartay digniin muwaadiniinta Mareykanka loogu sheegayo inaanay xilligan u socdaalin Israel.

Safaaradda ayaa muwaadiniintooda ku sugan gudaha Israel fartay inay taxadar iyo feejignaan badan muujiyaan, inta ay xiisaddan taagan tahay.

“Deegaanka, ammaanku waa mid adag oo si degdeg ah isu bedeli kara, iyadoo ku xiran xaaladda siyaasadeed iyo dhacdooyinkii u dambeeyay.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem.

Bayaanka ayaa lagu xusay in la xadiday dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha Safaaradda Mareykanka iyo xubnaha qoysaskooda ee ku sugan gudaha Israel.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku celiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dejiyo xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe.

“Waxaa naga go’an inaan hoos u dhigno xasaradda taagan, oo aan isku dayno inaan xiisadda soo afjarno.” Ayuu yiri Blinken.

Israel ayaa saakay weerar xagga cirka ah ku qaadday Magaalada Isfahan oo dhacda bartamaha dalka Iran, walow weerarka drones-ka loo adeegsan uusan gaysan wax khasaare ah.

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay fashiliyeen weerarkaasi, mana sheegin haddii ay ka aargudaneyso Israel iyo in kale.

Tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel, xaaladda Bariga Dhexe ayaa ahayd mid ay mar kastaba xaaladdeedu kacsan tahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc