Home Wararka Maanta Muxuu Madaxweynaha Jubbaland kala hadlay Safiirka Midowga Yurub ee dalka?

Muxuu Madaxweynaha Jubbaland kala hadlay Safiirka Midowga Yurub ee dalka?

by admin

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee dalka, Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horreyaan arrimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka.

Wasiirada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa kulanka qayb ka ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc