Home Wararka Maanta MW Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday ciidamada lagu diyaariyay Guriceel (SAWIRRO)

MW Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday ciidamada lagu diyaariyay Guriceel (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa booqday ciidamo lagu diyaariyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada Abuu Dujaana ee Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen, isla-markaana ay hadda u diyaarsan yihiin dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogaga Guutada Abuu Dujaana ayaa la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug oo gelinkii dambe ee maanta ciidamadaasi kula hadlayay Xerada Militariga ee Harqaboobe ayaa waxa uu faray in ay dalka ka xoreeyaan kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha oo si ku-meel-gaar ah ula wareegay doorka hoggaamineed ee hawlgalka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ku daydaan ciidamadii ka horreyay ee soo samatabixiyay dowladnimada dalka.

“Dalkan marxalado kala duwan ayuu soo maray, maalinba waxaa ka soo bootiyay oo soo dhaafiyay geesiyaal idinka oo kale ah, maanta idinka ayaa jooga, booskii waddankan dhiigga loogu soo waraabiyay gobanimada iyo xorriyadda aan haysano maanta ciidankayaga jooga waa dhallinyaradan sharafta badan ee u soo tababartay, u soo dhaartay, u soo diyaargarowday ayaa joogto booskii.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxa kaloo uu yiri “Cadow Soomaali soo mara kii ugu xumaana maantuu na hayaa, iyagoo wixii ugu qaalisanaa ee aan haysanay ka been sheegaya oo ku soo gambanaya, oo maxay tahay? Diinteenna Islaamka ayay ku soo gambanayaan, oo ay ka been sheegayaan, dagaalka aan kula jirnana dagaal ka xaqsan ma jiro, waad ogtihiin waa Khawaarij.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi raaciyay “Maantay Ilaahay fadligiis waa loo soo jeestay, muddo ayay been isu sheegeen. Ciidamadeenna sharfan ee qaybahooda kala duwan ee labada heer dowladeed iyo shacabkii, intaba maanta waxaan ognahay inay hubkooda soo qaateen, shacabkiiyaa dagaalamaya, meel fiican baana la soo gaarsiiyay, geba-gabaa inoo dhiman.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u ambabaxay dalka Eritrea ayaa Madaxweynaha Galmudug u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc