Home Wararka Maanta MW Xasan Sheekh iyo Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo isla qaatay in Shabaab la soo afjaro

MW Xasan Sheekh iyo Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo isla qaatay in Shabaab la soo afjaro

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha Dhaqanka Galmudug ku adkeeyay xoojinta midnimada lagu wajahayo maleeshiyada Al Shabaab iyo xoreynta deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka, oo ay wehlinayaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

“Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaanada ay argagixisada Al Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qaybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleygayaan argagixisadu, si ay u sii cimri dheereystaan, una hor istaagaan nolosha iyo horumarka bulshada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabku yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka reer Galmudug, in laga saaro deegaanada Galmudugna ay horseedeyso in mashaariicda horumarineed laga hirgeliyo deegaanadaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay argagixisada Al Shabaab, haddii la dhameystiro xoreynta deegaanadana ay fududaaneyso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Kulankan oo qayb ka ah kulamada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa Odayaashu Dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha, sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro halganka xoreynta deegaanada iyo xaqiijinta Somaliya horumarsan oo nabad ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bar laga la socdo wejiga labaad ee hawlgalka Gobolada Dhexe ka sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa doonaya in marka la soo afjaro Shabaabka Galmudug ay ciidamadu u ruqaansadaan wareegga xigga wejiga labaad ee hawlgalka oo lagu xoreynayo deegaanada Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo leh doorka hoggaamineed ee hawlgalkan ayuu qorshihiisu yahay in maalmo yar gudahood lagu soo afjaro joogitaankii Al Shabaab ee bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc