Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal qof oo masuuliyiin ay ku jiraan Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, isagoona ku adkeeyay in ay dowladda ku gacan siiyaan, sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa shacabka kula dardaarmay in ay gacmaha is qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni.