Home Wararka Maanta MW Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka ee 1-da Luulyo (SAWIRRO)

MW Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka ee 1-da Luulyo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee xalay ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay, markii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.

Madaxweynaha oo uu garab-taagnaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa barxadda Madaxtooyada Qaranka ku sugnaa, intii Calanka la saarayay.

Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Calanka Jamhuuriyadda saaray abaare 12:00 ee habeen bar, oo ku aaddan 63 sano ka hor isla waqtigii Calanka laga taagay Magaalada Muqdisho, 1-dii bishii Luulyo ee sanadkii 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib goobta ka tegay, isagoo u gacan haatinaya Ciidamada Qalabka Sida, waxaana uu isla Aqalka Madaxtooyada kaga qaybgalay xaflad lagu xusayay 1-da Luulyo.

Isniintii ayaa waxaa dalka ka bilowday munaasabadaha lagu xusayo toddobaadka xorriyadda, oo ay ugu soo horreysay tan 26-ka June oo iyana ku beegan, markii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Toddobaadka xorriyadda ayaa si weyn looga xusaa qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxaa kaloo xusid mudan in Soomaalida qurbajoogta ay sidoo kale xusaan maalmahaan xorriyadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc