Home Dhacdooyin MW Xasan Sheekh oo shacabka kula hadlay Garoonka Stadium Muqdisho (SAWIRRO)

MW Xasan Sheekh oo shacabka kula hadlay Garoonka Stadium Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bannaanbax kaga qaybgalay Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Federaalka ayaa ahaa mid lagu xusayay 63 sano guurada ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyiga & Koonfurta Somaliya, oo maanta oo kale 1-da bisha Luulyo dalka laga xuso.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ugu jeediyay dadkii isugu soo baxay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa is dultaagay halgankii laga soo maray xorriyadda iyo madaxbannaanida Somaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay 63 sano ka dib in dalka aanu weli ahayn mid xor ah, isagoona sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay yihiin gumeysi kale oo maanta dhibaato weyn ku haya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna tahay in ummadda Soomaaliyeed ay iska dulqaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaabku ay sidoo kale duulaan ku yihiin Diinta Alle, waxaana uu tusaale u soo qaatay Masjidkii deegaanka Daaru-nimca ee ay Jimcihii shalay burburiyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa shacabka ugu yeeray in ay ka qayb qaataan hawlgalada socda ee la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro dalka.

Khubadda Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa shacabka ugu bishaareeyay qorshaha ay Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayaan xeryaha ay banneynayaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, inkastoo sida uu muujiyay aanay weli Somaliya ku filnayn amnigeeda, balse ay tani ka tarjumeyso in Somaliya ay mustaqbalka dhow ku filnaan doonto amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aasaas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, iyadoo Dowladda Dhexe ay mudnaan siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuq-maasuqa, adkeynta amniga, dhameystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Tobanaan kun oo qof ayaa galabta isugu soo baxay garoonka kubadeed ee dalka ugu weyn, iyadoona munaasabadda xorriyadda awgeed garoonka lagu qabtay koobka xorriyadda, oo ay foodda isku darayn labada kooxood ee kubadda cagta ee kala ah Horseed SC iyo MCC.

Kooxda MCC ayaa ku guuleysatay koobka munaasadda 1-da Luulyo, ka dib markii ay gool ku laadyo kaga adkaatay kooxda Horseed SC.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc