Home Wararka Maanta MW Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka (SAWIRRO)

MW Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo lagaga arrinsanayay dhameystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu ciribtirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaanada la xoreeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay laamaha ammaanka, sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta & Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc