Home Wararka Maanta Nabadoon caan ahaa oo ku dhintay hoobiyeyaal lagu weeraray Degmada Xarardheere

Nabadoon caan ahaa oo ku dhintay hoobiyeyaal lagu weeraray Degmada Xarardheere

by Laacib

Mintidiinta Al Shabaab ayaa xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hoobiyeyaasha oo u muuday kuwo loo tuuray dhanka Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin afaafka hore ee degmadaasi ayaa qaarkood ku soo dhacay gudaha degmada.

Inta la ogyahay nabadoon si weyn looga yaqaanay degmadaasi ayaa ku geeriyooday weerarka ay masuuliyaddiisa sheegatay Al Shabaab.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Maxamuud Rooble (Xuskumi) ayaa sidoo kale ka tirsanaa bahda waxbarashada.

Nabadoon Xuskumi ayaa hadda xubin ka ahaa howlwadeenada Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare ee Xarardheere.

Dadka reer Xarardheere ayaa ka naxay geerida naxdinta leh ee ku timid nabadoonka, oo dadka deegaanka ay wada garanayeen.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xuskumi oo muddadii burburka aan degmada ka bixin ayaa qiimo weyn ugu fadhiyay bulshada reer Xarardheere, marka ay noqoto dhanka waxbarashada, nabadeynta iyo heshiisiinta dadka ay wax kala gaaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc