Home Wararka Caalamka Netanyahu oo Israel ka go’doominaya caalamka intiisa kale

Netanyahu oo Israel ka go’doominaya caalamka intiisa kale

by Laacib

Israel ayaa dib ugu yeertay kooxdii ku meteleysay wada-xaajoodyadii Doha ee lagu dhexdhexaadinayay iyada iyo Xamaas.

Wada hadaladan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa looga shaqeynayay in lix toddobaad la hakiyo dagaalka, kooxaha Falastiiniyiintana ay 40 ka mid ah Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza ay ku bedeshaan boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa Gaza ku haysta ugu yaraan 130 Israeliyiintii ah, kuwaa oo ay ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Kooxdii ka socotay dhanka Israel ayaa la sheegaya inay dib ugu laabatay Tel Aviv, tani oo caqabad kale ku noqonayso dadaalada caalamiga ah ee xalka loogu raadinayo colaadda Gaza.

Saraakiil ka tirsan Israel ayaa Reuters u sheegay in go’aankii Golaha Ammaanka ee lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza uu dhaawacay dadaaladii wada-xaajoodyada ee Doha.

Xamaas ayaa ku baaqday in xabad joojinta ay noqoto mid waarta, Ciidamada Israel-na ay dib ugu laabtaan goobihii ay ku sugnaayeen dagaalka ka hor.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku dalbatay in shacabka Falastiiniyiinta ee barakaca uga maqan guryahooda loo ogolaado inay dib ugu laabtaan dhulkooda, inkastoo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu si adag uga horyimid.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Talaadadii ku eedeeyay Xamaas in aysan dooneyn in la sii wado wada hadaladii labada dhinac ee uga socday dalka Qatar, waxayna taasi dhaawaceysaa buu yiri go’aankii Golaha Ammaanka.

Inkastoo Xamaas ay si weyn u soo dhaweysay qaraarkii uu goluhu meelmariyay Isniintii ee lagu dalbanayay in colaadda la joojiyo inta ka harsan bishan Ramadan ayay Xamaas soo jeedisay in xabad joojintu ay noqoto mid joogto ah.

Ciidamada Israel ayaa Arbacadii shalay sii waday weeraradooda Gaza, iyagoona mar kale dilay dad badan oo rayid ah. Weeraradan ayaana si cad u jebinaya qaraarkii Golaha Ammaanka, oo sida uu sharcigu yahay ay ahayd in si degdeg ah uu u dhaqangalo.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Arbacadii ku celiyay inaysan u hoggaansami doonin qaraarka Golaha Ammaanka, ayna sii wadi doonaan dagaalka uu sheegay inay ku burburinayaan Xamaas.

Netanyahu ayaa la sheegaya inaanay wax dan ah ugu jirin in dagaalka la soo afjaro, isla-markaana ay ka go’an tahay in dagaalka uu sii socdo, si uu uga baxsado dacwadda musuq-maasuq ee maxkamadda kaga furan.

Dagaalka oo sii socda ayaa la fahamsan in ay Netanyahu u suurtagelineyso in si xeeladeysan uu xafiiska ku sii joogo, maxkamaddana uu uga mashquuliyo kiiska loo haysto.

Xeeldheereyaasha ayaa qaba in dhabaha uu Netanyahu ku hoggaaminayo maamulka ay Israel ka dhigeyso mid gooni ka ah dunida inteeda kale.

Israel ayaa la fahamsan yahay in ay wajaheyso waqtigii ugu adkaa ee soo mara, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda, waana Israel oo ku jirto dagaalkii ugu cuslaa ee ay ka gasho Bariga Dhexe.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel ayaa u muuqdo mid ka sii baxaya garabka Israel, inta ay maamulka majaraha u hayaan madaxdii ugu xagjirsaneyd ee hoggaamisa maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc