Home Wararka Maanta Nin askari ah oo toogasho ka gaystay Magaalada Baydhabo

Nin askari ah oo toogasho ka gaystay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed uu xalay rasaas huwiyay mooto bajaaj ay la socdeen dad rayid ah.

Askarigan ayaa 9-kii caweysnimo mooto bajaajtaasi ku rasaaseeyay xaafadda Wadajir ee magaaladaasi, iyadoona daqiiqado ka dib uu goobtaasi ka baxsaday.

Inta la ogyahay dhacdadaasi ayaa waxaa ku geeriyooday nin dhallinyaro ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askarigu uu isku dayayay in uu ka hortagto mooto bajaajtaasi, haddii maamulku uu horaan soo rogay inaanay gaadiidleyda bajaajtu ka shaqayn karin magaalada, wixii ka dambeeyo 7-da fiidnimo.

Cali Aadan Isaaq oo ay is saaxiibo ahaayeen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Suheyb Awkey (Isgoowe) ayaa sheegay in saaxiibkii ay dishay gacan ka xaqdaran.

“Allaha u naxariisto Suheyb Awkey wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada Magaalada Baydhabo, isagoo mootadaasi saaran ayay gacan ka xaqdaran ay dishay. Waa dhacdo naxdin badan, hadda ayuu ku jiray qaban-qaabada arooskiisa.” Ayuu yiri Cali Aadan oo Universaltv la hadlay.

Cali Aadan ayaa yiri “Waa sax maamulka ayaa mamnuucay inaysan mooto bajaaj ka shaqayn karin magaalada, wixii ka dambeeyo hal saac (7:00pm) habeenimo, laakiin askarta xaq uma lahan inay rasaas ku furaan shacabkii ay amnigooda ilaalinayeen. Qofka inta la soo qabto ayaa la xiri karaa, ma ahanee rasaasaa iskaga furaa, wax sharci ah ma ahan.”

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadaasi, oo argagax-gelisay dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc