Home Wararka Maanta Nin darawal ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Nin darawal ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta nin darawal ahaa lagu dilay magaaladaasi.

Darawalka ayaa ku geeriyooday rasaas ay furayn Ciidamada Dowladda, xilli uu mashquul iyo ciriiri ka jiray Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Ninkan ayaa wade ka ahaa mootada nooca saddex lugaaleyda ah ee loo adeegsado rarka xamuulka, waana dhugdhugley wax yar uun kaga duwan mooto bajaajta ay rakaabku raacaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidanka oo watay gaari Cabdi Bile ahaa ay furayn rasaas, isla-markaana ay haleeshay darawalkii mootada.

Goobjoogeyaasha ayaa rasaastaasi ku sheegay mid ay ciidamadu ku furanayeen waddada, waana wax ay ciidamadu sameeyaan kolka ay la kulmaan in ciriiri uu ka jiro waddooyinka ay adeegsanayaan, iyagoona aan dib u soo eegin dadka ay ku dhibaateeyaan waddooyinkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka uu in doora yaala waddada, markii dambena ay ka qaadeen ciidamada amniga, oo sida la sheegay meydka geeyay Xaruna Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Muqdisho ayaa la tilmaamaa in ay ku badan yihiin dilalka ay askarta u gaystaan wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan mooto bajaajta.

Bajaajtu waa gaadiidka ugu badan ee ay adeegsadaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, waana mid ka mid ah ilaha dhaqaale ay ku tiirsan yihiin dhallinta ku nool magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc