Home Wararka Caalamka Nin Falastiini oo weerar ka gaystay Magaalada Tel Aviv (SAWIRRO)

Nin Falastiini oo weerar ka gaystay Magaalada Tel Aviv (SAWIRRO)

by Laacib

Nin Falastiini ayaa maanta weerar ka gaystay Magaalada Tel Aviv, xilli Ciidanka Difaaca Israel ay maalintii labaad hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Ninkan ayaa la sheegay in uu gaari jiirsiiyay dad socday Waqooyiga Tel Aviv, ka dibna uu bilaabay in uu tooriyeeyo dadkii waddada dhinaceeda ku lugeynayay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin goobta ku sugnaa uu markii dambe toogasho ku dilay ninkii weerarka gaystay.

Afhayeen u hadlay Booliska Israel ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, saddex ka midana ay xaaladoodu liidato, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ninka weerarka gaystay uu ka soo jeedo Daanta Galbeed, isagoona weerarka ku sheegay mid argagixiso.

Afhayeenka Ururka Xamaas, Hazem Qasem ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay uu ka tirsan yahay dagaal-yahanadooda, isla-markaana uu weerarku ahaa mid lagaga jawaabayay duulaanka Israel ee Jenin.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in weerarku uu bilow u yahay jawaabaha ay ka bixin doonaan dhibaatada ay Militariga Israel ka wadaan xerada qaxootiga ee Jenin.

“Iska caabintu waxay xaqiijisay in qabsashada ay bixin doonto qiimaha dembiyada ay ka gaysanayaan xerada qaxootiga ee Jenin.” Ayuu yiri Hazem Qasem.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay hawlgalka ka socda Jenin ayaa sheegay in uu yahay mid xididada loogu siibayo waxa uu ku sheeay argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc