Home Wararka Maanta Nin Gudoomiye Kuxigeen ahaa oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Nin Gudoomiye Kuxigeen ahaa oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada ee Degmada Wanlaweyn, Haashim Maxamed Xasan (Haashim Shareere) ayaa xalay lagu dilay duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda aan heybtooda la aqoonsan ay Gudoomiye Kuxigeenka kala deggeen gaari uu la socday, xilli uu marayay tuulada Buulo Xaashi, ka dibna ay dileen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda dilka gaysatay ay yihiin maleeshiyo beeleed deegaanka ah, dilkiisuna uu salka ku hayo aanooyinka xagga qabaa’ilada oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay deegaanada hoostagga degmadaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xilligii Gudoomiye Kuxigeenka la dilayay uu ka yimid dhinaca Magaalada Muqdisho, uuna ku sii jeeday xaruntiisii Degmada Wanlaweyn.

Haashim Shareere ayaa maalmihii ugu dambeysay howlo shaqo u joogay Caasimadda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan weli ka hadlin dilka Haashim Shareere loogu gaystay duleedka degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc