Home Wararka Maanta Nin hubeysan oo nin dhallinyaro ahaa ku dilay Beledweyne

Nin hubeysan oo nin dhallinyaro ahaa ku dilay Beledweyne

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in nin dhallinyaro ahaa lagu dilay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed Cabdulle ay xalay haleeshay rasaas uu furay nin hubeysan. Marxuumka ayaa xilligii la dilayay la socday mooto bajaaj dhex mareysay xaafadda Kooshin.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka dilka gaystay uu ka baxsaday goobtaasi, balse Taliska Saldhigga Booliska Beledweyne ayaa goor dambe sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkaasi.

“Saldhigga Booliska Beledweyne wuxuu gacanta ku soo dhigay eedeysane Xuseen Muuse Caruush, Ina Amino Cismaan Biyow, kaas oo dil u gaystay Allaha u naxariisto C/risaaq Maxamed Cabdulle Nuur, Ina Maryan Cabdulle Fiidow.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliska.

Warbaahinta qaybteed ayaa warineysa in ninka dilka gaystay uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala magaaladaasi, ha yeeshee qoraalka Taliska Saldhigga Beledweyne ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu yahay qof shacab ah.

“Eedeysanaha dilka gaystay waa shacab, wuxuuna ku jiraa gacanta Booliska.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Maxamed Cabdulle ayaa ka mid ahaa dhallinta reer Beledweyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc