Home Dhacdooyin Nin ka soo laabtay aaska Shaqaalihii Hormuud oo lagu dilay Muqdisho

Nin ka soo laabtay aaska Shaqaalihii Hormuud oo lagu dilay Muqdisho

by Laacib

Nin la rumeysan yahay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku dilay nin dhallinyaro ahaa, oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Tooxow.

Marxuumka ayaa lagu dilay xaafadda Daarusalaam qaybteeda Degmada Dayniile, gaar ahaan Reer Godleey, xilli uu ka soo laabtay aaska Shaqaalihii Shirkadda Hormuud ee shalay galab ku dhintay qaraxii ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa duleedka Muqdisho kaga qaybgalay aaska xubno ka mida eheladiisa, oo qayb ka ahaa Shaqaalihii Shirkadda Hormuud ee ku naf waayay qaraxii Garasbaaley.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa qori AK47 uu toogtay marxuum Axmed Nuur Tooxow, ka dibna uu ka baxsaday goobta.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa xaqiijiyay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Dayniile ay gacanta ku soo dhigeen Mahad Cali Maxamuud.

Taliska Booliska ayaa qoraal ku sheegay in ninkan uu ku eedeysan yahay inuu dil bareer ah u gaystay muwaadin Soomaaliyeed.

Taliska Booliska ayaa boggooda Facebook ku soo bandhigay qorigii uu wax ku dilay ninkaasi, inkastoo aysan kala caddeyn, haddii uu ka tirsanaa ciidamada iyo haddii kaleba.

“Eedeysanaha dilka gaystay iyo agabkiisaba waxaa si toos ah loogu wareejiyay Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), halkaas oo lagu baari doono, si loo horgeeyo maxkamadda ku shaqada leh.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska.

Dhacdadan ayaa argagax-gelisay bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, oo si weyn u hadalhaysa dhacdadaasi.

Axmed Nuur ayaa xalay bartiisa Facebook dadka kula wadaagay qoraal uu kaga tacsiyeynayay geerida lix ka mid ah Shaqaalaha Hormuud.

Dilka marxuum Axmed Nuur ayaa imaanaya, xilli ehelada ay weli u fadhiyaan tacsida xubnihii kale ee ka baxay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc