Home Wararka Maanta Nin ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Nin ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Ciidanka Xasillinta ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay ninkan, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen magaalada.

Ninkan ayaa hoggaaminayay koox shalay tiro hoobiyeyaal ah ku weerartay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo aanay jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay hoobiyeyaashaasi. Kooxdan ayaana falka ka dib ay u suurtagashay inay baxsadaan.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa sheegay in hoobiyeyaashaasi ay ahaayeen kuwo macmal ah oo lagu qalqalgelinayay dadka reer Muqdisho.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in baaritaanada socda ka dib ay Xuseen Cali Deerow Buulle horgayn doonaan maxkamadda awoodda u leh.

“Sidoo kale ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan weli la ridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Taliska oo sidoo kale lagu baahiyay sawirka ninka la soo qabtay.

Dowladda Federaalka ayaa Axaddii la wareegtay guri ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho. Laamaha amniga ayaa sheegay in gurigaasi laga soo tuuray hoobiyeyaasha ku soo dhacay xeendaabka Garoonka Aadan cadde.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa’id ku qabtay gurigaasi ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay hoygaasi u diyaarigeen goob ay ka dhibaateeyaan sida uu yiri dadka shacabka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc