Home Wararka Maanta Nin lagu eedeeyay inuu gowracay gabar 6 jir ahayd oo lagu qabtay Muqdisho

Nin lagu eedeeyay inuu gowracay gabar 6 jir ahayd oo lagu qabtay Muqdisho

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen nin Arbacadii Magaalada Muqdisho ku gowracay gabar 6 sano jir ahayd.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ay Khamiistii gacanta ku soo dhigeen ninkaasi, oo ay ehel yihiin gabadha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in booliska loo sheegay in ninkaasi uu dhimirku la’yahay, balse ay baarayaan.

“Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay in madaxa looga jiro, waxaana ku socoto baaris.” Ayaa lagu yiri qoraalka oo xalay lagu daabacay bogga Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Yuusuf Sheekh Axmed ayay xubnaha qoysku sheegeen in uu Anisa Iidle Sheekh Axmed ku gowracay hoygooda oo ku yaala deegaanka Daarusalaam ee Degmada Yaaqshiid.

Iidle Sheekh Axmed oo ah aabaha dhalay Anisa ayaa sheegay in uu adeer u yahay Cabdullaahi Yuusuf, isagoona xaqiijiyay inuu yahay nin madaxa looga jiro.

Cabdullaahi Yuusuf oo da’diisa lagu sheegay 26 jir ayaa dhacdadaasi ka dib ka baxsaday goobta, inkastoo maalin ka dib ay ciidamadu ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa in muddo ahba ku soo badanayay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc