Home Wararka Maanta Nin lagu eedeeyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Nin lagu eedeeyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

by Laacib

Ninkan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen waddada xiriirisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ayaa ninkaasi ku soo qabtay hawlgalkan oo ka dhacay duleedka Degmada Luuq.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cismaan ayaa la sheegay in gacanta lagu soo dhigay, xilli uu watay mooto/dhugdhugley, isla-markaana uu lacago sharci darro ah ka qaadayo beeraleyda deegaanka.

Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay in Maxamed Cali uu maleeshiyada Al Shabaab kaga biiray Degmada Ufurow ee Gobolka Baay.

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo booqasho ku jooga Degmada Doolow ayaa kormeeray xeryo la sheegay in Ciidanka Daraawiishta Jibbaland Qaybta Gobolka Gedo looga sameeyay degmadaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka oo kormeerkan ay ku wehlinayeen masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Gedo, General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa bogaadiyay diyaargarowga ciidan ee gobolkaasi ka jira.

“Waxaan ku bogaadiyay diyaargarowga ciidanka, waxaana kula dardaarmay inay u hawlgalaan si deg degsiimo leh, kana shaqeeyaan sugidda amniga gobolka iyo isku furka degmooyinka iyo deegaanada, iyagoo kaashanaya Ciidanka Qaranka Soomaliyeed ee ka hawlgala gobolka.” Ayuu Maxamuud Sayid Aadan ku sheegay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc