Home Wararka Maanta Nin looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Nin looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Ninkan ayay xalay ciidamada amnigu ka soo qabteen qabteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoona ay baaris ku socoto.

Ciidanka Booliska Qaybta Weliyow Cadde ayaa ninkaasi ka soo qabtay bar kontorool, oo ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska Albaraka ee degmadaasi.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa qoraal ku sheegay in ninkaasi looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay mintidiinta Al Shabaab, ka dib markii uu dhowr jeer ku soo noqnoqday bartaasi kontorool.

“Waxaana la marsiin habraaca baaris ee sharcigu jideeyay, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ayaa Khamiistii Degmada Howlwadaag ka soo qabtay nin loo haysto Shabaabnimo, kaas oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka nin Sarkaal Booliska ka tirsanaa loogu gaystay Degmada Waaberi.

Is bedel dhanka amniga ayaa billihii ugu dambeysay laga dareemayay Magaalada Muqdisho.

 

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc