Home Dhacdooyin Nin macalin ahaa iyo ardaydiisa oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Nin macalin ahaa iyo ardaydiisa oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay gobolkaasi ku dileen dad isku qoys ahaa.

Kooxahan ayaa la sheegay in duleedka deegaanka Xaaji Cali ay ku dileen shan qof, oo lagu sheegay macalin iyo ardaydiisa, kuwaa oo hal qoys ka soo wada jeeday.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo laabteen dhisme cusub, oo sida la sheegay ay Quraan ku soo akhrinayeen, waddadana loo galay, xilli ay dib ugu soo laabanayeen deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dilka dadkaasi uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo noqnoqday gobolkaasi.

“Macalinka ardayda la socotay mid waxaa dhalay walaalkiis, midna waxaa dhalay adeerkiis, labada kalena qaraabada u dhow ayay ahaayeen, waa dad is leh, haddana waxayba ahaayeen macalin iyo ardaydiisa.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Dilka dadkan ayaa walaac amni ku abuuray bulshada deegaanka, iyadoona aanu weli maamulku ka hadlin dhacdadaasi.

Bartamihii bishii September ee sanadkii 2020 ayay ahayd, markii nin macalin ahaa iyo xertiisa lagu dilay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc