Home Wararka Caalamka Ninka Israel ugu raadinta badan tahay Yahya Sinwar oo soo hadlay

Ninka Israel ugu raadinta badan tahay Yahya Sinwar oo soo hadlay

by Laacib

Yahya Sinwar oo Ururka Xamaas ugu magacaaban Gudoomiyaha Marinka Gaza ayaa markii ugu horreysay ka hadlay duulaanka Israel ee magaalada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in koonfurta iyo waqooyiga Gaza uu ka socdo dagaal qaraar, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Israel ay wajahayaan dagaalkii ugu kululaa, oo ay ka galaan Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

“Ciidamada cadowga waxay wajahayaan dagaal ba’an oo aan horey loo arag, waana dagaal lagu dhiig bixinayo ciidamada soo duulay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo Isniintii jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay, tan iyo weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho iyo falcelinta adag ee ka dhalatay ee Tel Aviv ka waddo magaalada go’doonsan.

Waxa kaloo uu sheegay in warqad uu u diray Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas uu ku caddeeyay in ciidamada soo duulay ay la kulmayaan khasaare culus oo xagga nolosha iyo qalabka ah.

“Guutada Izz ad-Din Al-Qassam (Garabka Militariga Xamaas) waxay bartilmaameedsadeen in ka badan 5,000 oo isugu jira askar iyo saraakiil, waxayna dileen saddex meelood oo meel ka mid ah.” Ayuu yiri Yahya Sinwar.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu yiri “Ku dhawaad 3,500 oo askari ayaa si xun ugu dhaawacmay amaba ku naafoobay dagaalka, waxaana laga burburiyay in ka badan 750 oo ka mid ah noocyada kala duwan ee gaadiidkooda.”

Waxa uu intaasi ku daray in xoogaga wax iska caabinta ay ku socdaan waddadii ay ku burburin lahaayeen Ciidanka Difaaca Israel, isla-markaana aysan Xamaas u hoggaansami doonin shuruudaha qabsashada.

Hadalka Yahya Sinwar ayaa imaanaya, xilli Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari uu Axaddii qiray in Ciidamada Israel ay iska caabin adag kala kulmayaan xoogaga ka dagaalamaya Marinka Gaza, isagoona ku celiyay in dagaalka uu daba dheeraan karo.

Sarkaalkan ayaa lagu tilmaamaa ninka ay Israel ugu doon doonista badan tahay ee Saraakiisha Ururka Xamaas, xilli uu ku sugan meel uun ka mid ah Magaalada Gaza.

Israel ayaa ku eedeysay in uu door muuqdo ka qaatay weerarkii ugu dhimashada badnaa, ee ay Xamaas 7-dii bishii October ka gaysatay Israel.

Militariga Israel ayaa dhawaan Marinka Gaza ku daadiyay warqado ay ku bixinayaan abaalmarin lacageed oo dhan afar boqol oo kun oo dollar ($400,000), oo la siin doono ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro Yahya Sinwar.

Maxkamad ku taala Israel ayaa sanadkii 1989-kii ku xukuntay afar xabsi daa’in, ka dib markii lagu helay in uu ka qayb qaatay dilka dad Falastiiniyiin ah oo lala xiriiriyay inay u basaasayeen Israel iyo inuu maleygayay dilka laba ka mid ah Ciidamada Israel.

Sinwar ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib 22 sano oo uu xirnaa, isagoona ka mid noqday 1,027 maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo Israel ay sanadkii 2011 ku bedelay askari reer Israel ah oo lagu magacaabo Gilad Shalit, kaas oo Xamaas ay 5 sano haysatay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc