Home Dhacdooyin Ninkii hooyadii ku dilay Kismaayo oo xukun dil toogasho ah lagu xukumay

Ninkii hooyadii ku dilay Kismaayo oo xukun dil toogasho ah lagu xukumay

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu helay in bartamihii sanadkan uu hooyadii ku dilay magaaladaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa lagu helay in 11-kii bishii June uu xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Dalxiiska uu ku dilay hooyadii oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar.

Ninkan oo dilka u adeegsaday mindi ayaa hooyadii ku dhex dilay hoygooda, iyadoona ciidamada amniga ay daqiiqado ka dib falkaasi gacanta ku soo dhigeen ninkaasi.

War ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Xasan Cabdullaahi Cabdi lagu helay dacwaddii uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay dembiile Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 jir ina Xaliimo Maxamed Cumar, ku dhashay Baardheere degana Kismaayo dil toogasho, oo ah qisaasta marxuumad Xaliimo Maxamed Cumar 61 jir ina Baar Cismaan Cabdi.” Ayaa lagu yiri warka maxkamadda.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland, G/sare Xuseen Cali Xaashi ayaa mar sii horreysay sheegay in hooyadaasi ay wiilkeeda dalka ugu soo celisay qaab dhaqancelin ahaan, balse ay markii dambe sababsatay gacantiisa.

Dadka qaarkii ayaa tuhmaya in ninkan uu ka xanuunsanayo dhanka dhimirka, ha yeeshee warka ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Isbitaalka Dhimirka ee Dahraan Mental Hospital ee Magaalada Kismaayo uu soo caddeeyay in ninkaasi uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Dilka uu Xasan Cabdullaahi u gaystay hooyadii Xaliimo Maxamed ayaa dhacdo qalbi taabad leh ku noqotay bulshada reer Kismaayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc