Home Wararka Maanta Ninkii toogashada ka gaystay Degmada Buurhakaba oo isna la toogtay

Ninkii toogashada ka gaystay Degmada Buurhakaba oo isna la toogtay

by Laacib

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii toogasho ku dilay nin habeenkii Khamiista toogasho ka gaystay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Isaaq Ismaaciil Isaaq ayaa degmada ku dilay laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena uu dhaawacay, xilligaas oo loo maleynayay in uu dib ugu laabtay deegaanka Buur Eyle ee gobolkaasi oo billo ka hor uu ka yimid. Ninka la toogtay

Dad shacab ah oo arkay in uu ku dhuumaaleysanayo buurta dusheeda ayaa ciidamada ku soo wargeliyay in dembiilaha uu ku sugan yahay buurta degmada.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa Dhacdo.com u sheegay in ciidamada ay isku gadaameen goobtii uu ninkaasi ku sugnaa, isla-markaana ay ku amrayn in uu isu soo dhiibo, balse uu ka biyo diiday.

“Ciidamada way hareereeyeen, waxayna ka dalbadeen inuu isa soo dhiibo, laakiin wuu ka dhega adeygay, wuuna dagaalamay, isna halkaasaa lagu soo afjaray.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado.

“Ciidamada waxay goobta ka soo qaadeen hubkii uu ka qaatay askartii uu ku dilay magaalada.” Ayuu sii raaciyay Sarkaalkaasi.

Isaaq Ismaaciil ayaa saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurhakaba, iyadoona ay Saraakiishu sheegayaan in si aan laga fiirsan loogu soo daray ciidamada deegaanka, haddii uu ka yimid dhul ay Shabaabku maamulaan, ayna ahayd in la marsiiyo habraacii u degsanaa hay’adaha ammaanka.

Ninkan ayaa waxaa ciidanka ku soo daray askar ay ka mid yihiin labada askari ee uu ku dili doono degmadaasi, kuwaa oo sida la sheegay ay isu heyb yihiin.

Labada askari ee uu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc