Home Wararka Maanta NISA oo sheegtay in la dilay Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa canshuurta laga qaado reer Muqdisho

NISA oo sheegtay in la dilay Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa canshuurta laga qaado reer Muqdisho

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in toogasho lagu dilay Sarkaalkii Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada Magaalada Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay in ninkan lagu dilay hawlgal ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib in muddo ah oo ciidamada ammaanka ay ku daba joogeen.

“Horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa Khawaarijta wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado, isagoo telfoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda NISA.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah, waxaa ka mid ah deegaanada Garas-gawaan, Gendershe, Ceelasha Biyaha, Lafoole illaa Galka Saalimow.

Ciidanka ammaanka oo muddo dheer uruurinayay xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu dambayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda.”

NISA ayaa sheegtay in Cali Raaxo uu Shabaabku ku biiray sanadkii 2014, muddadaasina uu u qaabilsanaa lacagaha ay ka qaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasidda haldoorka bulshada, si Shabaabku u dhibaateeyaan.

NISA ayaa barraha bulshada ku baahisay muuqaalo muujinaya meydka horjoogaha ay sheegtay inuu ka tirsanaa maleeshiyada Shabaabka, ee ay ciidamadu ku dileen sida ay sheegtay duleedka Degmada Afgooye.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc