Home Wararka Caalamka Philippe Lazzarini oo dagaalka Gaza ku tilmaamay mid ka dhan ah carruurta Gaza

Philippe Lazzarini oo dagaalka Gaza ku tilmaamay mid ka dhan ah carruurta Gaza

by Laacib

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay khatar dhab ah ku yihiin nolosha carruurta Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in dagaalka ka socdo Marinka Gaza uu yahay mid ka dhan ah carruurta Gaza.

“Dagaalkani waa dagaal ka dhan ah carruurta. Waa dagaal lagu hayo carruurnimadooda iyo mustaqbalkooda.” Ayuu yiri Madaxa Hay’adda UNRWA.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Israel ay muddo afar bilood ah ku dileen tiro ka badan inta dunida oo dhan lagu dilay, afartii sano ee la soo dhaafay.

“Tirada carruurta lagu dilay Gaza afar bilood oo keliya waxay ka badan tahay, marka la isku daro tirada carruurta lagu dilay afar sano oo dagaalo ah oo adduunka ka dhacay.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Philippe Lazzarini ayaa tilmaamay in Gaza lagu dilay 12,300 oo carruur ah, intii u dhaxeysay billihii October iyo February, halka iska horimaadyada caalamiga ah lagu dilay 12,193 oo carruur ah, intii u dhaxeysay buu yiri 2019 illaa 2023.

Lazzarini ayaa codsaday in la joojiyo dagaalka ay dadka badani ku dhimanayaan ee ka socda Marinka Gaza, iyadoo loo turayo sida uu yiri dhallaanka.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa xaalad aan la arag ka abuuray Gaza, sida ay horaanba qireen Saraakiisha Qaramada Midoobey.

Ugu yaraan 31,272 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, in ka badan 73,000 oo kalena waa lagu dhaawacay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 7-dii October, sida ay Arbacadan xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc