Home Wararka Maanta Puntland oo ka hadashay waxa loo hor istaagay safarkii Sacdiya Yaasiin ee Garoowe

Puntland oo ka hadashay waxa loo hor istaagay safarkii Sacdiya Yaasiin ee Garoowe

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta ka hadashay sababtii ka dambeysay in Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka laga hor istaago safarkeedii Puntland

Sacdiya Yaasiin iyo wafdi ay hoggaamineysay oo Isniintii ku wajahnaa Magaalada Garoowe ayaa lagu celiyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii diyaaraddii qaadi laheyd loo sheegay sida ay sheegtay inaanay wafdigaasi u soo qaadi karin Puntland. Sacdiya ayaa sheegtay in wafdigeedaasi uu Garoowe ugu socday ka qaybgalka caleemo-saarka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdullaahi, isla-markaana aanu wax xiriir ah la lahayn arrimo siyaasadeed.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inaanan maamulka lagu soo wargelin in wafdiga haweeneydaasi ku soo wajahan yahay magaalada.

Wasiirka ayaa sheegaya in loo baahan yahay, haddii masuul dowladeed uu imaanayo deegaanada Puntland in lagu soo wargeliyo maamulka.

“Sacdiya waa madax, madaxdana waxay ku socdaan nidaam ee iskama socdaan, meesha ay taggayaan waxaa la rabaa in laga ogyahay iyo waxa ay u taggayaan, si amnigooda loo sugo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa yiri “Sacdiya inay diyaarad iska raacdo, sidii qof suuq joog ah arrin iyada u habboon ma ahan, dowladda ay ka tirsan tahayna u habboon ma ahan, Puntland-na ku habboon ma ahan.”

Waxa kaloo uu yiri “Ammaankeeda in laga taxadaro weeyaan iyadoo la ogyahay in borotokoolkeeda la sii hagaajiyo, iyada kan ay ku imaaneysayna uu hagaagsan yahay, baa ka horreysa qof diyaarad iska soo raacay oo madax ah, oo hadhow sumcad xumo uu keeni karo wixii ka dhasha.”

Wasiir Dirir ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Qof madax ah oo iska socdo adduunka ma jiro, meesha uu tagayo borotokool baa ka horreya.”

Sacdiya Yaasiin ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeysay in uu ka hor istaagay socdaalkeedii Garoowe.

Sacdiya Yaasiin ayaa Madaxweyne Deni ku eedeysay in uu dalka ku soo kordhiyay, waxa ay ku sheegtay siyaasad lagu la xifaaltamayo haweenka.

“Siyaasadda waxaa ku soo cusboonaatay xifaaltanka qof dumar ah oo gorgoradeeda lagu dheganado. Deni maanta celinta uu i soo celiyay waxay muujineysaa xishood la’aan siyaasadeed.” Ayay tiri Sacdiya Yaasiin oo Isniintii Warbaahinta kula hadleysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sacdiya Yaasiin ayaa xilligaasi sheegtay “Dadka reer Puntland waxay kaga falcelin doonaan iyagaa garanaya, laakiin wax kale oo aan ku darayo ma jirto.”

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa aad u xumaa cilaaqaadka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc