Home Wararka Maanta Puntland oo qaadacday go’aanka ay Dowladda Federaalka ku xireyso Qunsuliyadda Garoowe

Puntland oo qaadacday go’aanka ay Dowladda Federaalka ku xireyso Qunsuliyadda Garoowe

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hortimid go’aanka Khamiistii ka soo baxay Dowladda Federaalka ee lagu xirayo Qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay Puntland.

Qaraar ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa lagu sheegay in la xirayo Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, sababo ku aaddan Itoobiya oo ay ku eedeeyeen inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya. Diblomaasiyiinta Itoobiya ayaa lagu amray in toddobaad gudihiis ay uga baxaan labada qunsuliyadood ee magaalooyinkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa sidoo kale qoraal ay soo saartay waxaa dalka looga eryay Safiirkii Itoobiya, Danjire Mukhtaar Maxamed Waare, kaas oo lagu amray in muddo 72 saac ah uu dalka uga baxo.

Warsaxaafadeed saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay Puntland ku sheegtay inaanay khuseyn go’aankan ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay si gaar ah ula macaamileyso dowladaha deriska, beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Somaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer, oo ku saleysan dhaqan-dhaqaalaha, amniga iyo isu socodka bulshada.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay laashay dastuurkii xaqiijinayay isku haynta ummadda iyo dowlad-dhiska Somaliya.

Go’aankii ka soo baxay Magaalada Muqdisho 4-ta bisha April 2024, ma ahayn mid loogu daneynayay maslaxada ummadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku saleysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba joogo shacabka Puntland, laguna majo xaabinayo federaleynta Somaliya.

Haddaba waxay Dowladda Puntland caddeynaysaa in ay danaheeda kala macaamileyso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Somaliya, isla-markaasna go’aanka xiritaanka Qunsuliyadda Garoowe aanu khuseyn Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc