Home Wararka Caalamka Putin iyo dhiggiisa Shiinaha oo ku kulmay Beijing

Putin iyo dhiggiisa Shiinaha oo ku kulmay Beijing

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta Magaalada Beijing kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, xilli labaduba ay halkaasi kaga qaybgelayaan shir la xiriira sanad guuradii 10aad ee ka soo wareegatay aasaaska mashruuca kaabeyaasha caalamiga ah ee Belt & Road Initiative (BRI), kaas oo Shiinuhu uu Qaaradaha Afrika, Asia iyo Latin America isugu xirayo caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka mid ahaa madax iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday in ka badan 130 dal, oo lagu soo martiqaaday shirkaasi.

Ka dib kulan gaar ah oo ay yeesheen, labada hoggaamiye ayaa la arkayay, iyagoo si wadajira u soo gelaya hoolka weyn ee Shacabka Beijing, oo lagu qabtay munaasabaddii furitaanka ee shirka.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhiggiisa Ruushka ku tilmaamay saaxiib uu muddo dheer Shiinuhu leeyahay, isagoona amaanay kalsoonida sii xoogeysanaysa ee labada dal.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu taageeri doono mashruuca ballaaran ee uu gadaal ka riixayo Hoggaamiyaha Shiinaha, waxaana uu xusay in mashruucu uu la socdo fekradaha Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa bogaadiyay guulaha waaweyn ee Shiinuhu gaaray muddooyinkii ugu dambeysay.

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa la sheegaya in uu dejiyay qorshe ka kooban sideed qodob, oo ku aaddan sidii loo horumarin lahaa mashruuciisa BRI, oo ay ku jiraan kor u qaadidda mashaariicda yaryar ee horumarinta cagaaran iyo in la abuuro kalsooni joogto ah.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in Madaxweyne Jinping uu ku baaqay dadaalo wadajir ah, oo Shiinaha iyo Ruushka ay gacan kaga gaysanayaan ilaalinta caddaaladda caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa la sheegaya in ay sameysanayaan isbahaysi gaar ah, oo ay kula loolamaan Hoggaamiyeyaasha Yurubta Galbeed iyo Mareykanka, oo siyaasad ahaan ay aad u kala fog yihiin.

Xiriirka saaxiibtinimo ee labada nin oo soo bilowday sanadkii 2013 ayaa keentay in uu xoogeysto xiriirka iyo iskaashiga labadaasi dal.

Kulankoodii ugu dambeeyay ayay bishii March ee sanadkan ku yeesheen Caasimadda Moscow, markaas oo Hoggaamiyaha Shiinaha uu booqasho ku tegay Ruushka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc