Home Wararka Caalamka Putin oo ka digay cawaaqib aad u daran oo uu keeni karo duulaanka Israel ee Gaza

Putin oo ka digay cawaaqib aad u daran oo uu keeni karo duulaanka Israel ee Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka digay khatar weyn oo ka dhalan karta duulaanka Israel ee Marinka Gaza, isagoona ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo duulaankaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiisadda Bariga Dhexe ay tahay mid aad u xasaasi ah, ayna tahay in dunida ka wada shaqeyso joojinta colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

“Duulaanka Israel ee Gaza wuxuu saamayn karaa Bariga Dhexe iyo goobo kaloo ka fog, wuxuuna keeni doonnaa cawaaqib aad u daran.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha caalamka uu qaarkood kala hadlay inta ay goori goor tahay in laga hortago in colaadda ay ku fido goobo hor leh.

“Shaqadeenna ugu weyn ee maanta waa inay noqotaa, sidii aan u joojin lahayn dhiigga daadanaya iyo rabshadaha socda.” Ayuu Madaxweyne Putin ku sheegay war maanta ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka.

Madaxweyne Putin ayaa yiri “Haddii aan laga hortegin xiisadda sii kordheysa, waxay yeelan doontaa cawaaqib aad u xun, kumana ekaan doonto Bariga Dhexe ee waxaa laga yaabaa in ay ku faafto meelo aad uga fog xuduudaha gobolka.”

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa Reer Galbeedka ugu yeeray in ay daacad ka noqdaan xal u helidda xiisadda taagan, haddii kalena ay sababi doonto cawaaqib buu yiri aad u xun.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa isna Warbaahinta u sheegay in Moscow ay dalbaneyso xabad joojin, isaga oo diiday in dhibaatada dhacday ay dusha u saariyaan Xamaas oo qura.

“Waxaan u baahanahay inaan ku baaqno xabad joojin, mana cambaareyn karno ficilada hal dhinac. Go’aanku waa inuu noqdaa mid dheelitiran oo dadaalada diblomaasiyadeedna ay halkaasi ka sii socdaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Mareykanku horkeenay Golaha Ammaanka, oo ku saabsanaa in la hakiyo colaadda labada dhinac, si gargaarka bani’aadantinimo loogu ogolaado Gaza, ilaalinta rayidka iyo joojinta hubeynta Xamaas.

Beijing iyo Moscow waxay sheegeen in hakinta dagaalka aanu macnaheedu ahayn xabad joojin rasmi ah, hakin bani’aadantinimana ay socon karto saacado yar oo keliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ku baaqay in la wada qaato xabad joojin degdeg ah, ha yeeshee Mareykanka iyo Israel ayaa weli ka gows-adaygaya in colaadda la soo afjaro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc