Home Wararka Caalamka Putin oo sheegay in Ruushka uu la wareegayo suuqii ganacsiga Ukraine ee Afrika

Putin oo sheegay in Ruushka uu la wareegayo suuqii ganacsiga Ukraine ee Afrika

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisu uu Afrika u dhoofin doono wax soosaarkii beeraha ee Ukraine, isagoo markaasi la wareegaya suuqii Ukraine ee qaaradda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkiisu uu si toos ah Afrika ugu diri doono dalagii loo marin jiray Badda Madow ee looga keenayay Ukraine, toddobaad uun ka dib markii Moscow ay ka baxday heshiiskii Ukraine u ogolanayay inay si nabdoon badarka uga dhoofiso Dekedaheeda Badda Madow.

Heshiiskan oo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobey iyo Turkiga ayay Moscow sheegtay inaanay sii wadi doonin, haddii aanay wax faa’iido ahi ku qabin.

“Ruushku wuxuu sii wadi doonnaa dadaalkiisa xoogga leh ee uu ku siinayo sahayda qamadiga, badeecooyinka cuntada, waxyaabaha loo adeegsado bacriminta beeraha iyo badeecadaha kale ee Afrika.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo.

“Waxaan rabaa inaan damaanad ka bixiyo in dalkayagu uu awood u leeyahay inuu bedelo sareenkii Ukraaniyiinta, labadaba ganacsi iyo lacag la’aan.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay go’aanka uu Ruushku ku soo afjarayo heshiiskii dhoofinta badarka Ukraine ee Badda Madow, xilli qaaraddu ay si weyn ugu tiirsan tahay qamadiga labadaasi dal.

Muddadii sanadka ahayd ee heshiisku jiray ayaa Ukraine ka caawiyay in Dekedaheeda Badda Madow ka dhoofiso in ka badan 32 milyan oo tan oo wax soosaarkeeda beeraha ah.

Afrika ayaa lagu tilmaamaa suuq ganacsi oo ay si weyn ugu tartamaan Moscow iyo Kyiv.

Ruushka iyo Ukraine ayaa dibadda u iibgeeya boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo.

Ka hor duulaankii Ruushka ee Ukraine, labadan dalka ayaa sidoo kale dunida u dhoofin jiray waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha, oo dalal fara-badan ay ka faa’iideysan jireen.

Ruushka ayaa lagu wadaa in 26-29-ka bishan uu martigeliyo Shirka Ruushka iyo Afrika oo ka furmaya Magaalada St. Petersburg ee dalkaasi, kaas oo looga hadlayo dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc