Home Wararka Maanta Qabsashada Ceelbuur oo dhabar jab ku ah Al Shabaab (SAWIRRO)

Qabsashada Ceelbuur oo dhabar jab ku ah Al Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimichii waayay magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, ka dib markii ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka.

Ciidamada oo ku dhawaad laba toddobaad jihooyin badan kaga sii siqayay magaaladaasi ayaa ugu dambayn foodda geliyay oo la wareegay maalinimadii shalay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la wareegista Ceelbuur ku tilmaamay guul weyn oo u soo hooyatay Dowladda Soomaaliyeed ee shacabkeeda, taasi bedelkeedana ay dhabar jab ku tahay maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka ayaa Ceelbuur ku lahaa saldhigooda ugu weyn ee bartamaha dalka, iyagoona muddo dheer ka arriminayay.

Hawlgalka lagu xoreeyay Ceelbuur ayaa qayb ka ah gulufka ballaaran ee la doonayo in kooxaha argagixisada looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Ciidamada Militariga ayaa Shabaabka ka kicinaya dhul ay muddo dheer ka arriminayeen, loona arko in ay ku xidideysteen.

Hawlgalkan oo dhinaca cirka ay ciidamada ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa la rajeynaya in wax weyn ka taraan barnaamijka degsan ee lagu soo afjarayo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowr toddobaad ku sugan Galmudug ayaa bulshada deegaanka ku wacyigeliyay in argagixisada iska dulqaadaan, waana dadka reer Galmudug oo u muuqdo kuwo door weyn ka qaadanaya hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Shabaabka ayaa fahamsan in kacdoonka dadweyne ee lagu kiciyay ay caqabad weyn ku tahay joogitaankoodii bartamaha dalka.

Xoogaga deegaanka ee la abaabulay oo dhulka si wanaagsan u kala garanaya ayaa ciidamada ku hoggaaminaya bugcad kasta oo Shabaabku ku sii nagaan karaan, si looga daba-taggo, loogana saaro.

Dadka reer Galmudug iyo Ciidamada Qalabka Sida oo wada hawlgalaya ayaa laga dhawrayaa in si dhameystiran ay Shabaabka uga saaraan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Gulufka ballaaran ee ka socdo Gobolada Dhexe ayaa macno badan u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo yoolkeedu yahay in la soo geba-gabeeyo waayihii Al Shabaab ee goboladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc