Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey iyo Israel oo mar kale eedeymo isu jeediyay

Qaramada Midoobey iyo Israel oo mar kale eedeymo isu jeediyay

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Israel ay dib u bilowday inay si sharci darro ah u xadido gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka reer Gaza.

Iyadoo shaqaalaha gargaarka ay isku dayayaan inay wax ka qabtaan xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ayay Qaramada Midoobey sheegtay in Israel ay ku howlan tahay inay Gaza ka sameyso masiibo aan dabiici ahayn.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in Israel ay isku dayeyso inay xakameyso gargaarka bani’aadantinimo, sidoo kalena ay carqaladeynayo qaybinta gargaarka.

Volker Türk ayaa dhalleeceeyay gacanta adag ee ay Israel u adeegsaneyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza iyo burburinta ay ciidamadeeda ku hayaan kaabeyaasha rayidka ee dhulka muddada dheer go’doonsan.

Ravina Shamdasani, Afhayeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in guddigoodu uu dalbanayo inaanan la carqaladeynta kaalmada bani’aadantinimo iyo in la bixiyo, isla-markaana la ogolaado in gargaarka badan uu gaaro Gaza, waxayna Xamaas ugu baaqday inay sii daayaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

“Ma jirto meel ka mid ah Marinka Gaza oo ka badbaaday duqaynta Israel. Ku dhawaad 1.7 milyan oo qof ayaa weli si khasab ah guryahooda uga maqan barakac, kuwaas oo ku nool xaalado aad u xun iyo hanjabaad joogto ah.” Ayay tiri Ravina Shamdasani oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Geneva.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa isna sheegay in xaalad aan caadi ahayn ay ka jirto Gaza, loona baahan yahay in dunida ay wax ka qabato xaaladda bani’aadantinimo ee dhulkaasi.

Militariga Israel ayaa si joogto ah loogu eedeeya in ay halis gelinayaan nolosha 2.3 milyan oo qof, oo ah wadarta guud ee dadka ku nool Marinka Gaza.

Tel Aviv ayaa difaacday ololaheeda militari ee Gaza, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay bartilmaameedsadaan oo keliya Xoogaga Xamaas.

Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in Qaramada Midoobey ay sababteeda leedahay gaajada daran ee ka jirta dhulka ay dagaaladu ka socdaan.

“Dowladda Israel waxay sameysay wax kasta oo awoodeeda ah, laakiin Qaramada Midoobey ayaa u sabab ah gaajada ka jirta Gaza.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu.

Warka ayaa lagu sheega “Waxaa jira boqolaal kunteenar oo ku raran raashiin oo sugaya in la geeyo gudaha Gaza. Waxa keliya ee ay Qaramada Midoobey sameysay waxa ay ahayd cudurdaar, waxaana loo baahan yahay in gargaarka la ururiyo oo la geeyo Gaza. Qaramada Midoobey waxay u baahan tahay in ay shaqadeeda qabsato.”

Eedeyntan ayaa mid lama filaan ah ku ah Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan gurmadka bani’aadantinimo, balse la hortaagan yahay inay waajibaadkooda gutaan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa ka cabanaya burburinta lagu hayo kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan goobaha caafimaadka, biyaha, waddooyinka iyo nadaafad darrada ka jirta Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc