Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey: Ma jirto meel ammaan ah oo ku taala Gaza iyo meel looga baxo

Qaramada Midoobey: Ma jirto meel ammaan ah oo ku taala Gaza iyo meel looga baxo

by Laacib

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa ka qaylo dhaamiyay xaaladda ka sii dareysa ee laga soo sheegayo Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay xoojisay duulaankeeda ay sheegtay inay xididada ugu siibeyso Xamaas.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in la joojiyo xasuuqa ka socda Gaza, taas oo uu muujiyay in ay walaac ku hayso caalamka.

Ciidamada Israel ayaa ballaariyay duqaymaha ay ka gaysanayaan Gaza, tan iyo markii 7-dii bishan ay Xamaas weerar ka gaysatay dhulka la haysto.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Sabtidan sheegay in dadka reer Gaza ay wajahayaan duqayn aan kala joogsi lahayn.

Waxa uu sheegay in kumanaan qof lagu dilay duqaymaha Israel, kumanaan kalena lagu dhaawacay, isla-markaana dhismayaal isugu jira deegaan, masaajido, xarumo caafimaad iyo foornooyinka rootiga lagu burburiyay duqaymahaasi.

“Marka la eego qaabka loo fuliyay hawlgalada militariga illaa hadda, marka loo eego 56 sano oo la haysto dhulka Falastiiniyiinta, waxaan kor u qaadaya qaylo dhaan ku saabsan cawaaqib xumada suurtagalka ah ee hawlgalada ballaaran ee Gaza iyo suurtagalnimada kumanaan kale oo rayid ah in la dilo.” Ayuu yiri Volker Türk.

Waxa uu sheegay inaanay jirin meel nabdoon oo maanta ku taala Gaza, isaga oo intaasi ku daray inaanay jirin meel xitaa looga bixi karo magaalada.

“Ma jirto meel nabdoon oo ku taal Gaza, mana jirto meel looga baxo. Aad ayaan uga walaacsanahay shaqaalahaheenna ku sugan Gaza, sida aan uga walaacsanahayba dadka rayidka ah ee Gaza.” Ayuu yiri Volker Türk.

Mr. Türk ayaa tilmaamay in adeegga isgaarsiinta iyo khadka internet-ka ee la jaray ay sii kordhisay dhibaatada ay la kulmayaan dadka reer Gaza.

Türk ayaa xusay in gaadiidka gurmadka degdegga iyo shaqaalaha caafimaadka aysan awoodin inay gurmad u fidiyaan dhaawacyada, haddii uu go’ay xiriirkii isgaarsiinta ee ay lahaayeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in wadarta guud dhimashada ee dadka Gaza ay gaartay 7,703 qof, oo ay ku jiraan 3,195 carruur ah iyo 1,863 haween ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo lagu magacaabo Ashraf Al-Qedra ayaa shacabka ugu baaqay inay dhiig ugu deeqaan dadka ku dhaawacmaya duqaymaha sii socda.

Ashraf Al-Qedra ayaa sidoo kale Guddiga Caalamiga ee Laanqaynta Cas (ICRC) ka codsaday in ay Gaza keenaan dhammaan noocyada dhiigga, isagoona booriyay in la furo xadka Rafah, si sahayda cuntada iyo shidaalka loo soo gaarsiiyo Gaza, lagana daadgureeyo dhaawacyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc