Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo cambaareysay gacanta adag ay Israel ku wajaheyso Gaza

Qaramada Midoobey oo cambaareysay gacanta adag ay Israel ku wajaheyso Gaza

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay go’doominta dhameystiran ee Maamulka Israel uu ku soo rogay Marinka Gaza, taas oo durbaba ay muuqato saameynteeda bani’aadanimo.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda adag ee Israel gelisay Gaza, oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa go’doomintan ku tilmaamay mid sharci darro ah, marka loo eego buu yiri sharciga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in go’doominta adag ee la geliyay Gaza ay khatar ku tahay nolosha dadka rayidka ah, iyadoo ka hor istaageysa sida uu yiri agabyada lagama maarmaanka ah ee badbaadada, waana wax mamnuuc ah buu yiri marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

“Tani waxay kaga sii dareysaa xaaladda bani’aadanimo ee Gaza oo markii horeba ahayd mid aad u liidato, waxayna caqabad ku tahay inay sii shaqeeyaan xarumaha caafimaadka, xilligan oo ay sii kordhayaan dhaawacyada.” Ayuu yiri Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

“Go’doomintan waxay noqon kartaa ciqaab wadareed, waxaana ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta.” Ayuu sii raaciyay Volker Türk.

Volker Türk ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa Magaalada Geneva ku sheegay in hawlgalka dhinaca cirka ee Ciidamada Israel ka wadaan Gaza ay sidoo kale ku bartilmaameedsadeen Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobey ee Gargaarka & Shaqada ee Qaxootiga Falastiin iyo weliba goobo waxbarasho oo iskuulo ay ku jiraan.

“Dad rayid ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay duqaymaha Gaza.” Ayuu yiri Volker Türk oo dhanka kale Xoogaga Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan dadka ay afduubka u haystaan.

“Afduubka dadka rayidka ah sidoo kale waa mamnuuc, marka loo eego sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri Türk.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa u yeeray saddex boqol oo kun oo ka mid ah ciidamada kaydka, waana tiro aan horey loo arag, si ay Gaza u geliyaan go’doomin guud.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in maamulku uu damacsan yahay in hawlgal dhanka dhulka ah laga fuliyo Gaza, iyadoo laga jawaabayo weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee Xamaas ka gaysato dhulka ay Israel maamusho.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay xaalad quus ah gelin doonaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Weerarkan iyo falcelintii ka dambeysay ee Israel ka waddo Gaza ayaa galaaftay nolosha in ku dhow laba kun oo qof oo u badan shacabka labada dhinac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc