Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo codsatay dhaqaalihii wax looga qaban lahaa dhibta gaartay Falastiiniyiinta

Qaramada Midoobey oo codsatay dhaqaalihii wax looga qaban lahaa dhibta gaartay Falastiiniyiinta

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa dalalka deeqbixiyeyaasha ka codsatay laba dhibic sideed bilyan oo dollar ($2.8B) oo gargaar lagu gaarsiinayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Madaxa Gargaarka Qaramada Midoobey ee Falastiin, Andrea De Domenico ayaa sheegay inay u baahan yihiin lacagtaasi, si loo bixiyo gargaarka ay sida weyn ugu baahan yihiin saddex milyan oo Falastiiniyiin ah.

Waxa uu sheegay in boqolkii sagaashan (90%) lacagtaasi ay u qorsheeyeen in wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

“Dhammaan Hay’adaha Qaramada Midoobey waxay codsanayaan 2.8 bilyan oo dollar, oo lagu taageerayo saddex milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed. Dabcan 90% waxaa wax looga qabanaya xaaladda Gaza.” Ayuu yiri Andrea De Domenico.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Si wax looga qabto macluusha ku soo fool leh Gaza, keliya looma baahno cunto, balse waxaa sidoo kale loo baahan yahay fayadhowr, biyo nadiif ah iyo xarumo caafimaad.”

Waxa kaloo uu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib u dhis loogu sameeyo kaabeyaasha rayidka, oo waddooyinkana ay ku jiraan.

Andrea De Domenico ayaa tilmaamay in waddooyinka la burburiyay ay qayb ka yihiin waxyaabaha carqaladeynaya in gargaarku uu si macno leh u gaaro Gaza.

Dhanka kale Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in saddex meelood oo meel carruurta ku nool Gaza ay da’doodu ka yar tahay laba sano ay la ildaran yihiin nafaqo darro.

Carruur fara-badan ayaa nafaqo darro iyo gaajo ugu geeriyooday qaybo ka mid ah Marinka Gaza, iyadoona duulaanka Israel ee Gaza uu dhulkaasi ka abuuray xaalad aan horey loo arag.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa si weyn uga walacsan xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, gaar ahaan waqooyiga Gaza.

Marka laga soo taggo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka sida adag loo go’doomiyay ayay Ciidamada Israel ay Gaza ku dileen 33,899 qof, halka 76,664 kalena ay dhaawaceen, sida ay Arbacadii shalay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan dadkaasi ay yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Militariga Israel oo sii wada duqaymahooda baahsan ee Gaza ayaa si indho la’aan ah u dilaya dadka rayidka ah, taas oo gobolka iyo caalamkaba ka dhalisay carro xoog leh.

Colaadda Gaza ayaa Bariga Dhexe ka abuurtay xiisad weyn oo lagaga soo horjeedo duulaanka Israel ee ka dhanka ah dadka reer Gaza, iyadoo kooxaha ay Iran taageerto ay gobolka ka sameynayaan weeraro ay ku beegsanayaan Israel, si garab istaag loogu muujiyo shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya weerarada joogtada ah Ciidamada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc