Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo Israel ku eedeysay in xaalad quus ah ka abuurtay Gaza

Qaramada Midoobey oo Israel ku eedeysay in xaalad quus ah ka abuurtay Gaza

by Laacib

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay xaalad quus ah ka abuurtay Marinka Gaza, xilli Ciidamada Israel ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan dhanka koonfureed ee magaalada. Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaana ka digaya xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta koonfurta Gaza

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Ciidamada Israel ku dhalleeceeyay in ay kaga sii darayn xaaladda murugsan ee ka taagan Marinka Gaza.

Israel ayaa tan iyo markii Jimcihii ay dib u bilowday duqaymaheeda iyo hawlgalka ciidamadeeda ka wadaan Gaza waxa ay is hortaagtay gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza, inkastoo saacadihii dambe ee Sabtidii ay ogolaatay in wa-xoogaa gargaar ahi la gaarsiiyo halkaasi.

Philippe Lazzarini, oo ah Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin gargaarka la diidan yahay in si mug lihi loo gaarsiiyo shacabka aadka ugu baahan.

“Hakintii dagaalka way dhammaatay. Ciidamada Israel ayaa dib u bilaabay hawlgal militari. Qaar badan ayaa barakacaya oo ay ku jiraan inay magangelyo ka raadsadaan Xarumaha Hay’adda UNRWA.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadanimada, Martin Griffiths ayaa sheegaya in ay masiibo bani’aadantinimo ka jirto Marinka Gaza.

“Ku dhawaad ​​laba bilood oo uu dagaalku socday, carruurta, haweenka iyo ragga Gaza ayaa dhammaantood argagaxsan. Ma haystaan ​​meel ay ku badbaadaan iyo wax yar oo ay ku noolaadaan. Waxay ku nool yihiin cudur, burbur iyo dhimasho.” Ayuu yiri Martin Griffiths.

Martin Griffiths ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay falal naxdin leh ka gaysanayaan koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis.

“Xaaladda Khan Yunis waa mid naxdin leh oo ku saabsan, waxa halkaasi ka dhacaya ee aan horey uga dhici jirin.” Ayuu yiri Griffiths.

Griffiths ayaa intaasi ku daray “Waxaan u baahanahay inaan sii wadno horumarka laga gaarayo bixinta gargaarka. Waxaan u baahanahay in si degdeg oo shuruud ahaan ah lagu sii daayo la haysteyaasha harsan. Waxaan u baahanahay in la ilaaliyo rayidka iyo kaabeyaasha nolosha ee ay ku tiirsan yihiin. Waxaan u baahanahay xabad joojin bani’aadantinimo, waxaana u baahanahay in dagaalka la joojiyo.”

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in ay isa soo tareyso dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah, ka dib markii Israel ay dib u soo cusbooneysiisay duulaankeeda Gaza.

Hay’adda OCHA ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay xadideen dhaqdhaqaaqa shaqaalaha arrimaha bani’aadantinimada, isla-markaana ay xanibeen gelitaanka waqooyiga Gaza.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa isa soo taraya, tan iyo markii ay Magaalada Gaza dib uga bilowdeen dagaalada. Dhaqdhaqaaqa shaqaalaha bani’aadantinimada waa xadidan yahay, waxaana gebi ahaanba xaniban gelitaanka waqooyiga magaalada.” Ayaa lagu yiri war ay OCHA soo saartay.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in sahayda dawada ee laga hortaagan yahay Marinka Gaza ay caqabad ku noqotay in la badbaadiyo nolosha dad fara-badan oo shacab ah.

Dawo la’aanta iyo korontada ka go’an Gaza ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ku riixday inay qaliinada sameeyaan, iyadoo aysan jirin dawada lagu suuxiyo bukaanada.

“Nasiib darro xanibaadda caafimaad ee lagu soo rogay Gaza ayaa caqabad ku noqday badbaadinta shakhsiyaad badan. Qaar ka mid ah ayaa qaliin lagu sameeyay, iyadoo aan la suuxin, qaarna si naxdin leh ayay naftooda ku waayeen, markii qaliin lagu sameeyay, iyaga oo aan la suuxin.” Ayay tiri Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa qaylo dhaan ka muujiyay dhibaatada baahsan ee Isral ka abuurtay Marinka Gaza.

“Xaaladahan waa kuwo ka baxsan, waxa la filan karo. Lama qiyaasi karo sida loogu baahan yahay daryeelka caafimaadka ee magaalada. Ma heli karo ereyo ku filan oo aan ku muujino walaacayaga ku saabsan waxa aan markhaati ka nahay.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Ghebreyesus ayaa yiri “Shalay kooxdayadu waxay booqdeen Isbitaalka Caafimaadka ee Nasser ee koonfurta. Waxaa ka buuxay 1,000 bukaan, waana tiro 3 jeer ka badan intii loogu talagalay in isbitaalka uu qaabilo. Bukaanada ayaa lagu daweynayay dhulka, iyagoo la qaylinaya xanuunka.”

Ghebreyesus ayaa intaasi raaciyay “Dad aan tiro lahayn ayaa raadinaya hoy, kuwaas oo buuxiyay gees walba oo isbitaalka ah.”

Hisham Mhanna oo ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay ku adkeysanayaan in ay ka sii shaqeeyaan Gaza, xilligan oo dagaalka uu dib uga qarxay.

“Waa inay jirtaa xabad joojin dhameystiran, si gargaarka bani’aadantinimo uu gacan uga gaysto yareynta dhibaatada.” Ayuu yiri Hisham Mhanna.

Hisham Mhanna ayaa sheegay in loo baahan yahay dadaalo siyaasadeed, si wax looga qabto masiibadii bani’aadantinimo ee ugu darneyd ee ka jirta Marinka Gaza.

Madaxda Israel ayaa ku hanjabay inaanan la joojin doonin hawlgalka ka socda Gaza, illaa iyo inta laga ciribtirayo Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc