Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo Israel ugu yeertay inay isaga baxdo Daanta Galbeed ay xoogga ku haysato

Qaramada Midoobey oo Israel ugu yeertay inay isaga baxdo Daanta Galbeed ay xoogga ku haysato

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay rabshadaha cusub ee toddobaadkan ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Israel.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa ka digay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, isagoona sheegay in ay xaaladda kaga sii dari karaan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in rabshadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe ay suurtagal tahay inay faraha ka baxaan.

Volker Türk ayaa sheegay in dilalka 14 qof oo Falastiiniyiin ah iyo afar qof oo Israeliyiin ah, oo ay dheer tahay hadalada xanafta leh ay sababi karaan in xiisadda labada dhinac ay meel adag gaarto.

Volker Türk ayaa Israel ugu baaqay inay dib u dejiso siyaasadaheeda iyo ficiladeeda ku aaddan Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

“Israel waa in ay si degdeg ah dib ugu dejiso siyaasadaheeda iyo ficiladeeda Daanta Galbeed ee la haysto, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan ilaalinta iyo ixtiraamka xuquuqda nolosha.” Ayuu Volker Türk ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Türk ayaa yiri “Si rabshadahan loo dhameeyo, waa in la soo afjaraa qabsashada Daanta Galbeed. Dhammaan dhinac kasta, dadka awoodda siyaasadeed leh way og yihiin arrintan, waana inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah, si arrintan loo xaqiijiyo.”

Hadalkiisa ayaa imaanaya, xilli ay weli xiisad ka taagan tahay dhulka la haysto, iyadoona Ciidamada Israel ay toogasho ku dhaawaceen 100 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay burburiyeen tobanaan guri oo ku yaala Waqooyiga Daanta Galbeed.

Ciidamada Israel ayaa Isniintii iska caabin kala kala kulmay dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, intii ay hawlgal ka wadeen xero qaxooti oo ku taala Jenin ee Daanta Galbeed.

Ku dhawaad ​​180 qof oo Falastiiniyiin ah ayay Ciidamada Israel dileen, tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin. Ugu yaraan 25 Israeliyiin ah ayaa sidoo kale lagu dilay weeraro kala duwan, isla muddadaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc