Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo ka dardaar warisay carruurta Gaza oo gaajo u dhimaneysa

Qaramada Midoobey oo ka dardaar warisay carruurta Gaza oo gaajo u dhimaneysa

by Laacib

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa sheegay in carruurta Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ay gaajo ugu dhimanayaan dhinaca waqooyi ee Gaza.

Madaxa Hay’adda WHO ayaa sheegay in xubno ka tirsan shaqaalahooda oo dhammaadkii toddobaadka booqday Isbitaalada Al-Awda iyo Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza ay ku soo arkayn xaalad aan wanaagsanayn.

“Booqashooyinka dhammaadka isbuuca ayaa ahaa kuwii ugu horreyay, tan iyo horraantii October 2023.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus oo qoraal ku sheegay in waqooyiga Gaza ay ka jiraan natiijooyin xun xun.

“Xaaladda Isbitaalka Al-Awda ayaa ah mid aad looga naxo, maadaama mid ka mid ah dhismooyinkiisa uu burburay.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Waxa kaloo uu yiri “Gaza waxaa ka jirta heerar nafaqo darro oo aad u daran, carruur gaajo ugu dhimaneysa, shidaal yari daran, cunto iyo dawo la’aan.”

Ghebreyesus ayaa yiri “Isbitaalka Kamal Adwan waa isbitaalka keliya ee lagu daweeyo carruurta ee ku yaala waqooyiga Gaza, waxaana buux dhaafiyay bukaano. Cunto la’aanta ayaa sababtay dhimashada 10 carruur ah. Koronto la’aanta ayaa khatar weyn ku ah daryeelka bukaanka, gaar ahaan meelaha halista ah, sida qaybta daryeelka degdegga ah iyo qaybta dhallaanka.”

Ghebreyesus ayaa qoraalkiisa ku xusay “Waxa aanu ku guulaysanay in aanu isbitaal kasta gaarsiino 9,500 oo litir oo shidaal ah iyo qaar ka mid ah agabka caafimaad ee muhiimka ah. Tani waa qayb ka mid ah baahiyaha naf badbaadinta degdegga ah.”

Waxa uu ku baaqay in Israel ay hubiso in gargaarka uu si nabdoon ku gaaro Marinka Gaza, balse baahida ugu weyn ay maanta dadku qabaan ay tahay in colaadda la joojiyo.

“Waxaan ka codsanaynaa Israel inay hubiso in gargaarka bani’aadantinimo loo gaarsiin karo si badbaado leh oo joogto ah. Rayidka, gaar ahaan carruurta iyo shaqaalaha caafimaadka waxay u baahan yihiin gargaarka oo la kordhiyo, laakiin dawada ugu muhiimsan ee ay bukaanadani u baahan yihiin waa nabadda, hala sameeyo xabad joojin.” Ayuu yiri Ghebreyesus.

Hadalkiisan ayaa imaanaya, xilli hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Gaza ay walaac xoogan ka muujiyeen masiibo ba’an oo bani’aadantinimo oo ka jirta guud ahaanba Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc